Akhriso-Xog: Khilaaf ka dhashay sii hayaha xilka Madaxweynaha Puntland

29

Khilaaf ayaa ka dhashay cidda sii haynaysa xilka Madaxweynaha Puntland, xilli ay Puntland ka maqan yihiin Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Cumar Camey.

Madaxweyne ku-xigeenka oo isagu sii hayey xilka madaxweynaha ayaa shalay ka dhoofey magaalada Gaalkacayo isago hadda ku sugan xarunta Jubaland ee Kismaayo. Camey ayaa xilka uga sii tegey Wasiirka Cadaaladda Ismaaciil Maxamed Warsame.

Tallaabadaas waxaa si aad ah uga hor yimid Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire oo ku tilmaamey mid sharci darro ah maadaama [sida uu sheegay] hab-maamuuska dowladda Puntland dhigayo haddii madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu dalka ka maqan yihiin in Guddoomiyaha Baarlamaanku sii hayn doono xilka madaxweynaha.

Isla maanta wuxuu guddoomiyaha barlamanku soo saarey qoraal uu ku cadeynayo inuu yahay sii hayaha xilka madaxweynaha, qoraalkan oo nuqul kamid ah Saxaafadu heshay.

Akhriso Qoraalka

29a

Xigasho: Garoweonline

Puntlandes.com

About The Author