Daawo Sawiradii u dambeeyey oo muujinaya Dhibaatada haysata shacabka Gaalkacyo oon haysan dawlad u gurmata

Magaalada Gaalkacyo ee Xurunta Gobolka Mudug ayaa waxaa da’ay Roobab mahiigaan ah oo dhibaatooyin baaxad wayn u gaystay Shacabka ku dhaqan magaaladaas. Qoysas farabadan ayaa Guryahoodii ka Qaxay iyagoon haysan meel ay ku hoydaan iyo wax ay ka galaan Qoraxda iyo qabawga habeenkii.

Waxaa Xirmay Goobihii Bulshada ka dhexeeyey sida Saldhigyadii Booliiska, Iskuulaadii, Cisbitaalkii iyo Suuqyadii iyadoo ay dhex fadhiyaan biyo aad u tiri badan oo dadka jilbaha u jooga.

Waxaa in la iswaydiiyo mudan aaway dawladii Puntalnd? Aaaway maamulakii magaalada? Ma waxay shaqadoodu tahay inay dadka BOOBAAN oo baad ay Canshuur ku magacaabeen ka gurtaan dabadeedna Cunaan?

Ma yaqaanaan miyaa canshuur in dadka Service (Adeeg) loogu qabto oo iyaga dib loogu celiyo? Ma oga miyaa inay iyaga shaqadooda tahay inay wax ka qabtaan markay sidaan oo kale dhacdo? Ma waxaa ka daacada inay wax Cunaan maahee inaysan dadkii lahaa waxba dib ugu celin?

 

Dhanka kale reer Mudug maxaa ka qaldan oo ay sidan isugu gelayaan? Ileen iyagay ahayd in ay iska qabtaan lana Xisaabtamaan manaxayaasha tan iyo 1991 dii JAQAYEY oo in ay wax cunaan maahee aan wax kale aqoon!!!

Ugu dambayntii waxaan leeyahay ”RI WALBA SHILAKAY IS DHIGTAA LAGU QALAA” Reer mudug iyagaa maanta meesha ay yaalaan isdhigay waligoodna ka bixi maayaan inta ay sidaan u dhaqmayaan.

Maanta waxaad xataa gaarteen in CabdiQaybdiid gobolkiina hawaysto indhiinoo shan ah ayuu wuxuu doonayaa in uu Dhaco idina sida Biyaha aad dhex jiiftaan ayaad iska aamusan tihiin, CAJIIB

Waxaa wax ku hagaagi karaan qof walba oo mas’uuliyad iska saara midnimada iyo Horumarinta Gobolka taas la’aanteedna sida aad maanta tihiin ayaad ahaan doontaan waligiin reer Mududugoow.

Daawo sawiradii u dambeeyey ee muujinaya dhibaatada ka jirta Gaalkacyo
30-1

30-2

30-3

30-4

 

30-5

 

Puntlandes.com

About The Author