DHAGAYSO: Mamulka Dugsiga Cumar Samatar Gaalkacyo oo ka hadlaya saamaynta roobabku ku yeesheen (Sawirro)

Wali qaybo ka mid ah magalada Gaalkacyo waxaa jiifa biyo badan oo ay dhigeen roobab malmihii lasoo dhaafay ka da’ay magalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Meelaha uu sida aadka ah u saameeyay biyaha roobabka waxaa ka mid ah Dugsiga sare ee Cumar Samatar iyo guriga ay degan yihiin macalimiinta Iskuulka dhiga, kuwaasoo biyaha ay soo galeen qaar ka mid ah qolalka iyo xafiisyadda iskuulak.

Mamule ku xigeenka Iskuulkaasi oo la yiraahdo Cumar Muuse ayaa sheegay inay uga baahan yihiin mamuladda dowladda hoose caawinaad ah in biyaha laga saaro dugsiga iyo guriga macalimiinta.

Sidoo kale saamaynta biyahan kuma koobna Iskuulkan waxaa kaloo jira iskuulo kale oo biyaha fasalada gudaha u galeen, goobaha ay ku ganacsadaan dadka danyarta ah ayaa ka mid ah meelaha ay saamayntu gaadhay.

Mamulka dowladda hoose ee magalada Gaalkacyo ayaa dadaal xoogan uGu jira sidii looga hortagi lahaa biyaha magalada fadhiya inaysan ka dhalan cuduro uu ka mid yahay Shuban biyood.

Halkan ka dhagayso

11124804_975831079123370_1104699054_n 11166112_975835239122954_468618560_n 11195531_975834529123025_965313221_n 11198554_975834532456358_1087505092_n 11198647_975837522456059_684399439_n 11198651_975833985789746_740595707_n 11198902_975834242456387_1369417530_n 11198940_975831155790029_703784768_n 11210113_975833829123095_1544682037_n 11225980_975836632456148_1635930176_n

Xigasho: Puntlandpost.com

About The Author