Daawo Video: Madaxweynaha DFS oo inkiray wada hadaladii Garowe

Maalinkii shalay oo taariikhdu ahayd 5 tii may 2015 ayuu madaxweyne Xasan shir jaraaäid ku qabtay Xafiiskiisa wuxuuna ku soo qaatay Shirkii wadatashiga ee Garowe isagoo ka qacinaya walwalka galay reer tolkii ee ku saabsan Aayaha Gobolka Mudug wuxuuna Xasan Sheekh inkiray inay wax heshiis ah ama is afgarad ah ku gaareen Garowe isaga iyo dawlada Puntland.

Wuxuu hadalka ku bilaabayaa ”wax heshiis ah oo aan gaarnay ma jirto mana dhici karto maxaa yeelay wixii Sharcidejin ah waxaa iska leh Baarlamaanka DFS halka ay fulintana leedahay Xukuumada DFS” Wuxuu intaas ku sii daray dadbaa ka walwalsan oo leh waxbaad saxiixdeen waxaan u cadaynayaa in aanu waxba saxiixin, waxaana awooda iska leh DFS cid kale oo la wadaagta ma jirto.

Waxaa kale oo Xasan Sheekh si geesinimo ah uu u yiri waxaan Garowe kula kulmay madaxda dawladaha mustaqbalka noqonaya Xubin ka mid ah Federaalka, haddii ay buuxiyaan Sharuuda laga rabo, isagoo inkiray in ay dawlada Puntland waa hore buuxisay Sharuudaas ay ku taalo dastuurka uu wabaan ku maamulayaa uu leeyahay in ya tahay Puntland dawlad xubin buuxda ka ah Federaalka lehna Xuduud dastuurku aqoonsan yahay.

Isku soo duuboo madaxweyne Xasan ayaa wuxuu fariin u dirayey raga kala ah Cabdiqaybdiid, Indho cadde, Oday Xaad, Cabdikariim … iya kuwo kale oo badan oo uu tusayey inay xaaludu ”Under Control” tahay ee ay isdejiyaan

Daawo shirka Jaraaäid ee Xasan kana bilaabo 11:40daqiiqo

Haddii uu san GAAS ku magacawnaan lahayn madaxweynaha Puntland ma saanuu xasan oran lahaa? Waa nin meel ku og Puntland inay kaliya jiri jirtay laakiin hada aysan waxba ahayn.

Halkana ka daawo GAAS oo beentii uu caadada u lahaa u sheegaya reer Puntland si uu marin habaabiyo

Puntlandes.com

About The Author