War Deg Deg Ah: Wasiirka Cadaalada Puntland oo ku wareejiyay Xilkii Talada Puntland Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland

Warar hada kasoo dhacay Caasimada Puntland ayaa sheegaya inuu Saaka wareejiyay Xilkii Sharci-darada ahaa ee looga tagaya Talada Dalka, Wasiirka Cadaalada Puntland Ismaaciil.

Magacaabista Sii haya Madaxweynaha Puntland ayaa lagu simay Xafiiska Wasiirka, balse taasi ey keentay iney ka caroodaan Xildhibaanada Barlamaanka Iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire.

Talaabadaas ayay u Arkeen mid ka hor imaneysa Dastuurka Puntland Isla markaana Sharcigu uu siinayo Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Hadii ey Maqan yihiin Labada Madaxweyne.

Dadka Falanqeeya Siyaasada Puntland ayaa la yaabay Talaabadii ey qaadeen Madaxda Puntland oo ey Sharciga dalka uuga Talaabsadeen Iyadoo la Ogaa inuu dalka ku sugan yahay Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire. Waxaa hada muuqata iney sii xoogeysanayaan Khilaafyada u dhaxeeya Madaxda Puntland oo hada laga eegan karo Talaabooyinka labada dhinac.

Puntlandes.com

About The Author