Daawo Sawiro: Gaas ma baxsad baa mise dawladnimadii ayuu hareer maray?

Madaxweynaha Puntland ayaa wuxuu ka dhoofay Puntland maalinimadii Jimcaha ee bishu ay ahyd 1da maajo 2015 isagoo saxaafada ka sheegay in uu u safrayo dalka Talyaaniga oo uu “casuumad rasmiya ka helay” . Waxaa laakiin indhuhu qabanayeen in aysan wafdigiisa ka mid ahayn hal wasiir ama wasiir ku xigeen oo ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland isagoo ay horay u sii raaceen laba qof.  Dhawr cisho ka dib waxaa ay shacabka reer Puntland Saxaafada ka arkeen madaxweyne Gaas oo la kulmay Wasiirada Arimaha Dibada ee dalka Kenya isagoo kaligiis ah, hoos ka eeg sawirka!

16

 

Shacabka reer Puntland waxay hadana ku baraarugeen Shalay 5 tii maajo ahayd madaxweyne Gaas oo la leeyahay wuxuu joogaa Garoonka diyaardaha ee Xamar isagoo ka mid ah “Gudoomiyayaal” ku wehelinaya kulanka uu madaxweynaha DFS la kulmayey Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka oo Airportka imaanayey, Cajiib aaway Talyaanigii uu Puntland uga soo safray? Hal qof kuma weheliyo Mr GAAS safarka uu Xamar ku tegay, YAAB ma saanaa Dawladnimo? Ma saanaa Puntland u dambaysay?

Hoos ka daawo sawiro muujinaya kalinimadiisa!!

33

 

34

 

 

Ugu dambayntii Xalay ayuu gaaray GAAS dalka Talyaaniga isagoo kaligiis ah, hadana waxaa kaba sii daran waxa uu u orday oo ay reer Puntland ugaga baxday lacagta faraha badan waa “NGO meeting” buhuu bahaa lagu hayo isagoo u soo dirsan karay Agaasime ama wasiir ku xigeen!!

37

Bal hoos ka daawo Shirka uu u soo orday oo uu dalkii uga maqan yahay maanta ku lix maalmood qaadana doona hddii ay ugu yaraato 2 todobaad. Khuburo aad faaqidaada arimaha siyaasada ayaa waxay Warbaahinta Puntlandes u sheegeen in uu carar ka yahay Puntland dhibaatooyinka haydsta maamulkiisa iyo awooda uusan u lahayn in uu madaxweynuhu qaato go’aano ayaa waxaa ku kelifaya GAAS in uu nafis bido in uu ka cararo Puntland oo banaanka wareego sidii FII`DMEERTII.

Laakiin waxa ay khuburadu Warbaahinta Puntlande u sharxi waayeen sababta safan uu kaligiis uga soo baxay Puntland, amuu soo cararay bal iswaydii adba?

35

36

Puntlandes.com

About The Author