Dhagayso: Madaxweyne Ku Xigeenka PL oo sheegay inay Puntland qusayn guddiyada ay DFS magacawday shalay

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa DFS ku eedeeyey inay baal martay sharciga,kaddib magacawday guddiyada qaran oo aysan Dastuuriyan kaligeed xaq u lahayn.

Madaxweyne camey ayaa sheegay inaysan quseyn Puntland magacaabista guddiyada doorashooyinka Qaranka, Adeegga Garsoorka, xudduudaha iyo federaalka oo ay golaha wasiirrada shalay ansixiyeen.

“Guddiyada saddexda ah ee ay xalay soo saartay DFS nama quseeyaan waayo sharciga ayey dhinac marsan-yihiin,maaddama an dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe la-tashi lagala sameyn,”ayuu yiri Camay oo sheegay dowladda dhexe inaysan ka aqbali doonin waxii qaldan.

Waxuu sheegay Puntland iyadoo tixraacaysa qodobka dastuurka ku qoran ee boqol iyo kow iyo toban (111) ee dhigaya marka la sameynayo guddiyada qaran in la tashi lagala sameeyo xulistooda,xubnana laga siiyo Puntland,balse hadda aysan taas dhicin oo sharciga la baalmaray,waxuuna caddeeyay inaysan guddiyada ahayn kuwo quseeyo oo ay ka soo horjeedan.

“Haddan nahay Puntland waxaan caddeynayna oo an u sheegayna dowladda faderaalka,shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalam in aysan naquseeyn guddiyada la soo saaray,maaddama uu baal marsan-yahay sharciga dalka u yeella,”ayuu ku daray hadalkiisa madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Camay waxuu ugu baaqay maamullada kale ee dalka ka dhisan inay si lamid ah u caddeyn sharcida dastuurga ah ee dalka oo ah mid lugu gaari kari dowlad-nimada sax.

Dhinaca kale Camay ayaa wuxuu dhaleeceeyey hay’adda caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee ka dhaga adeegay caawinta musiibadii ka dhashay roobabkii faraha badnaa ee ka da’ay Gaalkacyo,kuwaason waxba ka qaban xaaladdii ka tagneyd Gaalkacyo.

“Tallaabo ayaan ka qaadeyna hay’adaha ay quseysay xaaladda ka tagneyd Gaalkacyo oo an horay ugu baaqnay,waana ku dhaliilaya howshan,waana in si toos ah xaaladan wax looga badala,”ayuu yiri madaxweyne Camay.

Camay ayaa wuxuu hadaladan ka sheegay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo uu ku soo laabtay maanta kadib safar dhawr cisho qaatay oo uu ugu maqnaa magaalada Kismaanyo ee xurunta KKG ee Jubaland oo ay ka dhacaysay xaflada caleemasaarka baarlamaanka Jubaland

Dhagayso shirkii jaraa’id ee Camay


Puntlandes.com

 

About The Author