WAR DEG DEG AH: Xildhibaan Siciid Xusein Nur Dirir oo Galkacyo lagu diley

41b

Xildhibaan Siciid Xusein Nur Dirir oo ka tirsanaa Barlamaanka Puntland ayaa caawa lagu diley magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Xildhibaan Siciid Nuur Dirir (Siciid Lugool) ayaa waxaa toogtey dabley hubeysan salaadii maqribka kaddib, isagoo kasoo  baxaya  masjidka Abu Hureyra ee xaafadda Israac.

Dableyda dilka fulisey oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa tacshiirad ku furey xildhibaanka kadibna labo bumbo oo nooca gacanta ah tuurey.

Weerarada noocaan ah ayaa waxaa ka gaysta Puntland iyo guud ahaan Somalia kooxda Al-shabaab kuwasoo bartilmaameedsada saraakiisha dowlada iyo dadweynaha kaleba. Waa xildhibaankii labaad oo ka tirsan Barlamanka Puntland ee muddo bil gudaheed ah weerar qorsheysan lagu dilo. Bishii lasoo dhaafey ee April 18-keedii, waxaa magaalada Muqdisho sidan oo kale loogu toogtey Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen

Puntlandes.com

About The Author