Faahfaahin Dilkii Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur ee Magaalada Galkacayo

AUN Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur Cagool oo caawa Salaadii Makhribnimo Lagu dilay Magaalada Galkacayo isagoo kasoo baxay Masaajid uu Salaada ku Tukaday.

Xildhibaanka ayaa lala dilay Wiil ay ilma adeer ahaayeen oo ilaaladiisa ahaa. Kooxda Dilka gaysatay ayaa ahayd Laba Nin oo Bastoolada ku hubaysan Dilka kadib ayey Adeegsadeen Bunbooyin Ay iskaga Reebeen Dadkii meesha ku sugnaa oo ay ka Cabsi qabeen in ay qabtaan.

Allaha u Naxariistee Xildhibaanka ayaa kamid ahaa Lataliyayaasha Madaxweyne Gaas ama dadka aadka ugu dhaw madaxweynaha.

Puntlandes.com

About The Author