SHIRKA WADA-TASHIGA PUNTLAND IYO IS WAAFAJINTA SHIR WAYNIHII PUNTLAND LAGU DHISAY 1998

Waxaa loo balan san yahay shirwayne loogu magac daray shir waynaha wadatashiga Puntland, shirkaas  wuxuu  noqon doona mid  guulaysta ama guul daraysta, waayo waxaa  ku xeeran arrimo xasaasiya’  waxaana kamida   Sool,  ayaa ka maqaan Puntland  7 saano, qayb kamida   asaasayaashii Puntland ayaan hadda   ku qanac sanayn hannanka Puntland waxaa  jirta  Khaatumo, Mudug ayaa qayb kamida maamul  loo dhisaya, siyaasinta  Cayn Sanaag  iyo Sool ayaan wili cagta saarin hogaaminta Puntland  marka laga reebo 6 bilood,, waana mida loo anaynaayo  in Sool iyo Sanaag  siyaasiinta ka soo jeeda ay ka caga jiidaan siyaasadda Puntland,,

Sannadku markuu ahaa  1998dii 1,agosto,Puntland waxaa lagu asaasay wada-tashi iyo is-afgarad Gobolo ku midoobay  in ay dhistaan maamul dawladeed oo ay  naftooda ku badbaadiyaan kadib markii qarankii Soomalaiyeed uu burburay,

Taasi waxay ka dhalatay markii muddo toddobo sanadood ah ay Soomaalidu ku guul daraysten  in ay ku heshiiyaan dhismaha Dawlad Qaran  markaas kadib  waxaa isku yimid  hogaamiye dhaqameedkii Gobollada waqooyi bari Soomaaliya qayb kamida Gobollada dhexe iyo degmo kamida Gobolka Togdheer waxaana la isku afgartay in la dhisto  maamul dawladeed, leh axdi hay,yaddo kala duwan

             

                         Ahmiyaddii Puntland

Maamulkaas  waxaa  saldhig looga dhigay inaan Soomaali la kala go,in -in la raadiyo midnimadii Soomaaliya iyo helida qaran Soomaaliyeed  kuna dhisan nidaamka fadaralka ama awood qaybsiga,

Shirkii ugu horeeyey ee ahaa wadatashiga), iyo gogol xaarka oo ay horkacayeen madax-dhaqameedyo iyo cuqaal iyo siyaasiin waxa uu ka dhacay Magaaladda Garoowe intii udhaxaysay 10,3,1998 illaa 12,3,1998, waxaana shirkaas kasoo qayb galay ergooyin ay tiradoodu dhan tahay 425, oo ka kala socday Gobolladii markaas isla qaatay dhismaha maamul dawladeed , oo kala ahaa Bari, Nugaal, qayb kamida Mudug, Sool, qayb kamida Sanaag, iyo Buuhoodlle, Cayn), degmo kamid ahayd Togdheer).

Isla sanadkaas 1998 bishii  shanaad  15,keeddii  waxaa laysku raacay dhammaan ergooyinkii Gobollada iyo madax-dhaqameedyadii shirka daadihinayey Magaca loo bixin doono Maamulka ladhisi doono  Magaca waxaa  loo baxshay (Puntland)” iyo (Axdi) kumeel gaara, axdigaasna waxaa laysla  qaatay inay muddadiisu tahay 3, sanno.

                 

               Doorashadii Madaxwaynihii ugu horeeyey Puntland

 

Sanadkii 1998 bishii Agoosto  1,deedii  waxaa dhammaan ergooyinkii ay Ansixiyeen madax-dhaqameedadu iyo cuqaasha ay si xora u doorteen madaxweynihii ugu horeeyey ee Dowlada Gobolleedka Puntland kaas oo noqday (AUN)Cabdullahi Yuusuf Axmed, sidoo kale waxay Madaxweyne Kuxigeena  u doorteen Md.Maxamed Cabdi Xaashi.

              Bud-dhigii Puntland

Madax-dhaqameedadii iyo cuqaashii Puntland asaaskeedda bud-dhiga u ahaa  isla markaasna Puntland   dhidibada u taagay      waxaa kamid ahaa:

  • Garaad Cabdiqani Garaad Jamac
  • Ugaas Axmad Ugaas  Maxamad
  • Islaan Maxamed Islaan Muuse
  • Beeldaaje Xaaji Cabdullahi Beeldaaje
  • Suldaan Xasan Suldaan Xaaji Cali Baale
  • Ugaas Cabdullaahi Ugaas Yaasiin
  • Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan
  • Boqor Maxamuud Boqor Muuse
  • Islaan Bashiir Islaan Cabdulle

Allaha u naxariito intii dhimatay  Iyo qaar kale uu  anan halkaan ku soo koobi karayn,,

Wax qabadkii seeddexdii sanno ee  ugu horaysay

Korneyl Cabdulahi Yuusuf Axmad Allaha u naxariistee, saddexdii sanno  ee  ugu horaysay  wuxuu Puntland  ka hirgaliyeey  nidaam kala dambayn iyo amni xoogan wuxuu dhisay  ciidamada kala duwan ee Puntland sida Darawiishta Bileyska   Asluubta iyo sirdoonka,  waxaase  talo dhabaqday) markii  uu   xilkiisii dhammaaday  uuna Barlamaankii   ka codsaday in muddo labo sanno’ ah loogu daro

               Seddex  sanno kadib

Saddex  sanno kadib  waxaa  dhacay khilaaf   xoogan oo sababay in  naf iyo maal-baa  Puntland ku waydo  kadib markii  ay dhammaatay muddadii  xilka madaxwayne Cabdulahi,, isla xiligaas wax yar kadib waxaa puntlnad looga dhawaaqay Jamhad lamagac baxday ”Golaha Badbaadinta Puntland” (GBP), waxaana Jamhadaas Guddoomiye ka ahaa   Maxamuud Muuse Xirsi(Cade), waxayna jamhadii Cade  Muuse  ay daggala la gashay ciidamadii Cabdulahi Yusuf,,

                  Khilaafkii bilowday 2001

Khalafkaas  siyaaasadeed  ee bilowday 2001,  wuxuu sabab u noqday  in xoogii iyo dhaqaalihii  midnimadii iyo hadafkii Puntland loo asaasay  uu dhaawac wayn ku yimaado..

Sannadkii 2003,17,5, waxaa magaalada bosaaso hishiis taariikha ah ku gaaray Md.Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyii Golaha Badbaadinta Puntland (GBP), Md.Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor(Cade), waxaana heshiiskaas kasoo shaqeeyey Salaadiin ay kamid yihiin Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, iyo Boqor Cismaan Aw-Maxamuud (Buur-madow) oo gobollada waqooyiga Soomaaliya ka soo jeeda (BAARAGARAAFKAAN) WAXAAN KA SOO XIGTAY oo diyaariyeey,, Qoraaga Ahmed Abdirahman Aden Dalab(Fashion)

           Gobol ka lumay Puntland

 2005,tii  waxaa   Puntland   madaxwayne ka noqday Genaral Maxamuud Muuse Xirsi  intii uu xilka hayey Cade Muuse   waxaa  gacanta  Puntland ka baxay Gobol kamid ahaa  Gobolladii   wada dhistay Puntland  waa  Sool taasoo loo aaneeyo siyaasad xumo  iyo khilaaf  soo kala dhex galay Madaxwaynihi xiligaas iyo wasiirkii arrimaha gudaha iyo dawladaha  hoose   Axmad Cabdi Xaabsade),,

  Dhirifkii siyaasiinta   Cayn iyo Sool

2009kii  1, agoosto  waxaa Puntland ka dhacay doorasho  guud   waxaana  madaxwayne ka noqday Cabdiraxmaan  Maxamad Maxamuud  (Faroole) Madaxwayne  Faroole   waxaa  kula tartamay jigada madaxwayne siyaasiin ka soojeeday  Sool iyo Sanaag  oo uu ugu horeyey Cabdulahi Axmad Jamaca (Ilka Jiir) waxaase  isla goobtii ka xanaaqay  siyaasiin ka soo jeeday gobolkii maqnaa ee Sool kadib markii Faroole  ku soo baxay xilka madaxwaynaha Puntland,,  taasoo kamida khaladadka aan wili la sixin..

                                           Asaasidii  SSC

Dabayaaqadii 2009 waxaa   asaasmay jamhadii(SSC) oo laga dhisay Puntland dhexdeeda oo uu guddoomiye u ahaa Saleebaan Axmad Ciise  (Xaglatoosiye) iyo siyaasiin aad uga biyo diiday  hannaanka siyaasadeed ee Punland  lagu maamulaayo  jamhadaas  waxay  ku dhawaaqday inay xoraynayso gobollada   Sool  iyo qayb kamida Sanaag  oo maamulka Soomaliland uu  ka qabsaday Puntland, taasoo kamida khaladaadka aan wili la sixin,,

Mid kamida  Bud-dhigayaashii Puntland oo iska guuray  Caasimada Puntland

Waxaa  Garoowe iska guuray  kana xumaaday siyaasada Puntland  Garaad Jamac Garaad Cali oo dhaxlay  garaadkii ka horeyey ee Garaad Cabdiqani garaad Jamaca  oo  kamid ahaa asaasayaashii Puntland ilaa hada  Garaad Jamac wuxuu   banaanka ka joga nidaamka Puntland wuxuna kamid tahay hada   isimada aadka u dhaliilsan Puntland, waxaana, waxaana la sugaya sidii xal loogu heli lahaa,,

                                                 Shirkii  Taleex

2011,waxaa  degmada Taleex  lagu qabtay shir wayne ay ka soo qayb galeen isimada Sool Sanaag iyo cayn  waxaana halkaas  laga  dhisay maamul loo baxshay Khaatumo  laguna sheegay inuu ka arrimin doono  seddexdaas  gobol waxaa  gaashaanka ku dhuftay oo diiday maamulada Puntland iyo Soomalaind oo mid kasta  sheegtay inuu   ka taliyo Taleex,  waxaase  xusid mudan Taleex inay tahay Puntland oo ay wax ka dhisteen Maamulka Puntland 1998, waana dhaawac  Puntland ku yaal..

                           Maxaa keenay  khilaafka  iyo dhismaha  SSC iyo Khaatumo?

Waxaa la oraan karaa waxaa keenay hogaanka  ugu sareeya Puntland oo ku guul daraystay isku haynta gobolladii ku midoobay Puntland  iyo Madaxwayneyaasha Puntland soo maray tan iyo asaaskeedii oo aan daafin (Laamiga),  dadka qaarkiisna ay dhahaan waa hal beel oo dhaxal tooyo u haysta  madaxtooyada Puntland  waa sida siyaasiinta Puntland qayb kamida ay u cabiraan fikirkooda..

                             Mudug  iyo  hada

DFS waxay  doonaysa inay maamul  u dhisto  Gobollada dhexe  ee  kala ah Galgaduud  iyo “Mudug”  waxaase ka dhashay muran  dhanka dastuurkaa taasoo ku salaysan Gobol Mudug ee Puntland iyo in la qeexo waxa loola jeedo Mudug iyadoo laga dhigayo Koonfurta Mudug, waana arrin Puntland  ku soo korortay..

 Maxaa la gudboon  shirka wadatashiga Puntland ee  lagu dhawaaqay in  

Gaalkacayo lagu qabanaayo?,

Shirkaas  wuxuu xambaarsan yahay  guul iyo guul daraba  haddii aan guusha ku horeeyo  waxay noqon kartaa in  dhammaan  wixii khaladaadahaa  ee Puntland soo maray la saxo in go, aan  dhaba laga qaato midnimadii Puntland sidii la isku keeni lahaa  iyo in laheshiisiiyo siyaasiinta Khaatumo iyo Puntland halkaasna lagu soo af jaro khilaaf siyaasadeedkii  Puntland kala qaybiyey,,

Dhanka guul darada  waxaan alle  ka baryeynaa inay guul  ku dhamaato hayeeshee    haddii shirkaas  lagu saxi waayo wixii  dhacay  waxay noqon doonta in Puntland   kusoo koobanto Gobollada Bari Nugaal iyo qayb kamida  Mudug halkaasna  khatumo  ku noqoto  mid madax banana oo aan rajo dambe ka qabin Puntland  sidaasna ay ku baxaan Cayn iyo Sool..

                                                Gabagabadii

Shirka wata-tashiga Puntland  waxaa looga baahan yahay  in lagu marti qaado dhammaan   dadka dhaliilsan hannaanka Puntland ee ah mawadiniinta Puntlanderkaa isla  markaasana si dhaba loo qaato  dhaliilaha  iyo khaladaadkii dhacay,,

Dhammaan  ummadda Soomaaliyeed  midnimo iyo guul

 21

Falanqeeye  arrimaha bulshada

Cabdinuur Faarax Maxamuud

Email-guuled72@hotmail.com  ama
abdinuur02@gmail.com

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author