Sawiro: AUN Xildibaan Siciid Nuur oo Gaalkacayo aas qaran loogu sameeyey

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 9-5-2015 magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug kaga qeyb-galay aas qaran oo loo sameeyey Marxuun Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur (Dirir).

43

Aaska qaran waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad,Culimo’udiin, Aqoonyahan, Maamulka Gobolka Mudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo, Isimo uu kamid yahay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle iyo dadweyne kala duwan .

 Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo aaska kadib la hadlay warbaahinta ayaa Alle uga baryey Marxuun Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur (Dirir) in janadiisa fardawsa uu kawaraabiyo qabrigana u waasiciyo.

” Xili kasta hanoqoto ha dhawaato ha fogaato Dawladda Puntland waxay balan qaadaysaa sidii ay u raadin lahayd ama ay gacanta ugu soo dhigi lahayd kooxdii dishay marxuumka nolol iyo keeriba , waxaana la marsiin sharciga ” Ayuu yiri Eng. Cabdixakiin Camey .

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey waxaa uu sidookale sheegay in dawladda Puntland oo la kaashanaysa laamaheeda amniga ay ku howlan yihiin sidii loo xaqiijin lahaa amaanka guud ee Puntland gaar ahaan Gobolka Mudug, shacabka Gobolkana waxaa uu ugu baaqay inay ciidanka amaanka kala shaqeeyan xasilinta amniga.

” Mar labaad iyo mar saddexaadba waxaan Alle uga baryayaa marxuuminta in qabriga uu u waasiciyo eheladii ay ka baxeena samir iyo iimaan buuxa uu ka siiyo Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun ” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Camey.

SAWIRRO: Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Camey oo ka qeyb-galay Aasqaran oo Gaalkacyo loogu sameeyey  Marxuum Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur (Dirir)

IMG_1818 IMG_1861 IMG_1864 IMG_1873 IMG_1875 IMG_1886 IMG_1888 IMG_1894 IMG_1914 IMG_1924 IMG_1929 IMG_1931 IMG_1932 IMG_1933 IMG_1939 IMG_1947 IMG_1950 IMG_1951 IMG_1956 IMG_1962 IMG_1966 IMG_1968 IMG_1972 IMG_1974 IMG_1976 IMG_1981 IMG_1992 IMG_1995 IMG_2006 IMG_2007 IMG_2011 IMG_2012 IMG_2017

 

Puntlandes.com

About The Author