Wasaaradda caafimaadka Dowlada Puntland oo magacawday Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Gobolka Mudug

24 May 2022 (Puntlandes) Wasiir ku xigeen Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Puntlandisla markaasna ah kusimaha wasiirka C/naasir Yuusuf Xaaji ayaa Dr Saadaq Maxamuud Aadan u magacaabay Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Gobolka Mudug.

Dr Saadaq wuxuu in muddo si mutadawacnimo ah uga shaqeynayay Cisbitaalka guud ee Gobolkaas, wuxuuna ka mid yahay dhakhaatiirta da’ yarta ah.

Cisbitaalka guud ee Gobolka Mudug ayaa waxaa 10 sano ka badan Agaasime ka ahaa Dr Maxamed Xuseen Aadan oo uu magacaabay wasiirkii Wasaaradda Caafimaadka ee xiligii Faroole Dr Cali Cabdulaahi Waresame.

About The Author