Sawirro: Puntland oo qabanaysa doorasho qof iyo cod ah

26 May 2022 (Puntlandes) Waxaa xarunta dhexe ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ka dhacay shir muhiim ah oo u dhexeeyey Guddiga iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Dawladda Puntland.

Guddiga ayaa warbixin faahfaahnsan ka siiyey Wasiirada diyaargarowga Doorashada degmooyinka dhiman sida Jadwalka cusub, qorshaha wacgelinta dadwaynaha iyo dhaqangalinta waxyaabihii laga bartay doorashada hordhaca ahayd, Sidoo kale waxaa laga wadahadlay wada shaqaynta Guddiga iyo wasaraadaha kala duwan si loo sameeyo wacyigelin baahsan iyo hirgalinta Doorashada.

TPEC ayaa dhowaan munaasabad ku soo bandhigi doona jadwalka doorashada iyo qorshaha wacyigelinta dadwaynaha, dhanka kale wasiiradda ayaa aad u soo dhaweeyey dedaalka Guddiga iyagoo balanqaadaay inay wasaarad kasta kaalinta kaga aadan ay ka taageri doonto guddiga.

Kulanka waxaa kasoo qaybagalay wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Haweenka Naciimo Cabdiraxman Guuleed, Wasiirka shaqada, shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdiraxmaan Caydid Ibraahim, Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir iyo Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Axmed Ibraahim Cawaale.

About The Author