Daawo Muuqaal: Musharax Cirro ”13 Nov waxii ka danbeeyey Muuse Biixi uma aqoonsani madaxweyne ….”

26 May 2022 (Puntlandes) Waxaa shirjaaid oo uu ga hadlayo xaalka Somaliland qabtay Musharraxa madaxweyne  ee Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, isagoo shacabka iyo Xisbigaba ugu baaqay inay u diyaargaroobaan sidii ay madaxweyne Muuse Biixi dalka uga badbaadin lahaayeen.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka warbixiyey kulankii ay yeesheen madaxweynaha iyo Xisbiyada mucaaradka wuxuuna yiri “Kulankii habeenkii dhawayd waxa noo muuqday midabka dhabka ah ee madaxweynaha, Muuse wuxuu u eeka nin dastuurkii iyo shuruucdii tuurta ku qaatay oo ku hawlan maalmo muddo kordhin ah oo xaaraan uu xilka ku sii fadhiyo,”

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaa yiri “Dhammaan taageerayaasha Xisbiga WADDANI iyo guud ahaan shacbi weynaha Somaliland waxaan ugu baaqaya in ay u diyaar garoobaan si ay u muujiyaan dareenkooda iyaga oo u maraya dariiqa dastuurku u ogol yahay si sharciga loogu soo celiyo Muuse, iyada oo wixii faahfaahin ah Xisbigu idin la wadaagi doono,”

Musharax Cirro ” Waxaa inagu waajiba in ay nu Somaliland ka xorayno kaligii Taliye doonaya in uu Somaliland haysto kana dhigto Boqortooyo.Nin diiday sinaantiina adiguna diid sareentiisa ….”

Musharrax Cirro ayaa sidoo kale yiri “ Kulankii habeenkii dhawayd waxa noo muuqday midabka dhabka ah ee madaxweynaha. Muuse Biixi wuxuu u eeka nin dastuurkii iyo shuruucdii tuurta ku qaatay oo ku hawlan maalmo muddo kordhin ah oo xaaraan uu xilka ku sii fadhiyo…..”

Musharax Cirro  oo ka digaya qorshaha madaxweynaha ayaa yiri “ Ma jirto doorasho ka soo horeyn karta doorashada madaxtooyada. 13 Nov waxii ka danbeeyey Muuse Biixi uma aqoonsani madaxweyne ….”

Musharax Cirro ayaa dhalinyarada ugu baaqay inay isku dhigaan rasaasta wuxuuna yiri  ” Rasaasta Ciidanka waa in la isku dhigaa …”

About The Author