Daawo Muuqaal: “Dalka waxaan doorasho Madaxtooyo ahayni ka dhici-mayso…”

26 May 2022 (Puntlandes) Waxaa shirjaa´id oo uu ga hadlayo xaalka Somaliland qabtay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, isagoo uga digay madaxweyne Muuse Biixi inuu har istaago doorashada madaxweynaha ee ay tahay inay dhacda 13ka Nov 2022ka.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya diidmada Muuse Biixi ee doorashada madaxdweynaha ayaa yiri “Markii Xisbiga WADDANI Xirsi u doortay Gudoomiye ayaa Muuse Biixi kiciyay kacdoonka..,”

Faysal ayaa ku eedeeyey madaxweynaha iyo wasiirkiisa Arimaha Gudaha inay hayaan waddadii 1994ka ee dagaalka iyo burburka.

Faysal ayaa caddeeyey inaysuusan kulan kale dhex mari doonin Madaxweynaha, wuxuuna ku daray inay qaadanayaan talaabo kasta oo dalka lagu badbaadinayno, wuxuuna yiri “Taageerayaasha waanu ka raali-galinayna, waanu ognahay Inay Ka xumadeen labadii Jeer ee aanu la kulanay Muuse Biixi balse dib ula kulmi-mayno “

Dhanka kale Faysal ayaa amaan kala dul dhacay Rag sheegay inay SNM soo ahaayeen oo ka hadlay Hargaysa wuxuuna yiri “Waxaan Hambalyeenayaa Mujaahidiintii hadashay ee soo saaray taariikhdii runta ahayd ee Muuse Iyo Maxamed Kaahin ee halganka”

About The Author