Mahad Salad oo loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka

26 May 2022 (Puntlandes) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Xilgaarsiinta dawladda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan ayaa ansixiyay Magacaabista Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo loo magacaabay Mahad Maxamed Salaad.

Mahad Salaad ayaa haa mudane ka tirsan Golaha Shacabka waxaana uu qayb ka ahaa mucaaradkii xoogganaa ee 5ta sano ka soo horjeeday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale ka mid ah kooxda madaxweyne xasan Sheekh ee lagu magacaabo Damul Jadiid, isagoo wasiirul dawle ka soo aha xumuumadihii hore ee Xasn Sheekh madaxweynaha ka ahaa.

Taliyaha cusub ayaa Beeshiisu tahay Cayr/Habargidir/Hawiye. Khuburada Sharciga ayaa waxay la yaaban yihiin sababta uu Xasan Sheekh u ordayo oo u sugi la´yahay xukuumadda cusub ee uu magacaabi doono Raiisul wasaaraha soo socda madaama aysan haysan sharciyad midaan oo ah mid xilgaarsiineed oo kaliya.

About The Author