Dhagayso: Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo rajo fiican ka muujiyey doorashadii Xasan Sheekh


26 May 2022 (Puntlandes) Safiirka dawladda Maraykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh uu doonayo inuu waddanka ku hoggaamiyo qaab wadar-oggol ah.

Safiirka ayaa rajo ka muujiyey in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu hagaajiyo wada-shaqaynta dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada dalka, iyo in la dhammaystiro dastuurka, wax ka qabashada abaaraha, amniga iyo qodobo kale.

Dhagayso waraysiga dheer ee Safiirka uu siiyey VOA

About The Author