Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay la taliyeyaal cusub

26 May 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu u magacaabay sadex Lataliyeyaal cusub.

Lataliyeyaasha uu magacaabay Madaxweynaha ayaa kala ah:

1. Ibraahim Eidle Sulayman Lataliyaha Sharciga Madaxweynaha J.F.S.

2. Zakaria Hassan Ali (Gaashaan) Lataliyaha Siyaasadda iyo Xiriirka Baarlaamaanka Madaxweynaha J.F.S.

3.Hassan Adam Hosow Lataliyaha Dhaqaalaha Madaweynaha J.F.S.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey La taliyeyaasha in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.

Xubnahaan la magacaabay ayaa soo qabtay Xilal sarsare oo Hay’adaha dowladda dhexdooda ah iyo meelo kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan u leeyihiin howlaha loo igmaday.

About The Author