Sawirro-Muuqaal: Axmed Karaash oo daahfuray Imtixaanka shahaadiga 2021-2022 ee Puntland

28 May 2022 (Puntlandes)  Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa daahfuray Imtixaanka fasalka 8aad ee Puntland.

Wasaarada Waxbarashada Puntland  ayaa maanta bilowda Imtixaanka Fasalka 4-aad ee dugsiga sare iyo Fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe.

Imtixaanka Sanad dugsiyeedka 2021-2022 ayaa waxaa u fadhiistay tiro dhan 18550 arday oo isugu jira Fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe iyo Fasalka 4-aad ee dugsiga Sare kuna gelaya 136 goobood oo ay illaalinayaan 948 Macalin iyo 189 hawl-wadeen.

About The Author