Daawo Muuqaal: CC Warsame oo ku baaqay hay`adaha dawladda iyo shirkada bixiya adeegga inay fududeeyaan dadka in la gaarsiiyo mucaawinada

30 May 2022 (Puntlandes) Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u Qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha C/raxmaan C/shakuur Warsame oo qaylodhaan ka keenay hay`adaha dawladda iyo shirkadaha maamula Garoonka Aadan Cadde iyo Dekedda Muqdisho inay carqabad ku yihiin in gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan ayaa ugu baaqay hay`adaha dawladda iyo shirkada bixiya adeegga inay fududeeyaan dadka in la gaarsiiyo mucaawinada.                   

C/raxmaan C/shakuur ayaa yiri ”50 berri in ka badan ayey mucaawino ay keentay dawladda Qatar Garoonka diyaaradaha ku waxay xaniban yahay, oo aan la aqoon sabab ay u xaniban tahay”

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inay ku adag tahay Qaramada Midoobay inay qarqaar gaarsiiso dadka u baahan ayaa yiri “waxay ii sheegeen Qaramada Midoobay inay Raashinka ay keenaan ay ku qaadato waqtiyo badan inay Dekedda laga dejiyo, in kiro laga qaado aad qaali u ah meesha ay ku xareeyaan, inay gaarsiin Karin dadkii oo ay carqabado ay jiraan”

Natiijooyinka horudhaca ah ee kasoo baxay kulamadii iyo xog ururintii Ergayga ayaa waxaa kamid ah in:

1. 6.1 milyan oo qof oo Soomaali ah ay halis ku sugan yihiin

2. Wacyigelin la’aan baahsan ay ka dhex jirto bulshada

3. Gurmad iyo birmad degdeg oo loo baahan yahay

4. Deeqaha howlaha gargaarka dalka oo aad u ugu yar baahida jirta

5. Wadajir iyo wadashaqeyn dhanka siyaasadda ah in ay lagama maarmaan tahay.

About The Author