Shir Garowe lagu qaban lahaa oo loo badalay Nairobi Amaan Xumo Awgeed

Wararka ka imaanaya Caasimada Kenya Nairobi ayaa sheegaya Qabsoomida Shir u dhaxeeya Hay’adaha UN Iyo Puntland oo lagu waday inuu ka Dhaco Garowe balse Xaalado Amaan Xumo Awgeed loo Badalay Nairobi.

Saraakiil u Shaqeysa Hay’adaha UN Puntland ka howal-gala ayaa u waramay Warbaahinta Puntlandes, Iyagoo sheegey Cabsida Soo Wajahday Shaqaalaha UN Staff ee Puntland ku sugan. Masuuliyiintan ayaa Hadalkooda ku daray Hadii ey sidan kusii Socoto Xaalada Amaan Xumo ee Puntland Waxa loo wareegi doonaa Hargeysa oo ey Shaqaaluhu dagi doonaan halka Amaanka Garowe laga Dhigi doono Level 4, Oo Macnaheedu tahay Garowe uma Hoyan karaan Shaqaalaha UN Iyo Madaxda kale ee Dowladaha.

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu Qabsoomo Dabayaaqada Isbuucan Sida ey ku Warameen Saraakiisha UN Puntand. Waa Nasiib daro Iyo Quus Soo Wajahday Xaalada Amaan ee Puntland Iyadoo Madaxweynihii Dalka ku Tamashleynayo Dalka Dibbadiisa Halka Amaanka Shacabka Iyo Dagmooyinka Puntland isu badaleen Ibixiyow Ibixi.

Madaxweynaha Puntland Abdiwali Gaas, ayaa u muuqda Siyaasi Ceel dheer ku ridi doona Puntland sida ka muuqata Talaabooyinka uu qaaday Iyo Lexejecla yarida ka heysata Puntland Iyo Shacabkeeda. Dad badan oo yiqiiney Abdiwali Gaas, ayaa Markii horeba uga digay Xildhibaanada ineysan dooran Nin aan Awoodi karin inuu qaato Goaan Isla markaana aan Puntland ka Samatabixin karin Khataraha Soo Wajihi doona. Waxaa muuqata Puntland iney Cagta  saartay Dariiq Halis ku Ah Jiritaanka Puntland hadaan Deg Deg wax looga qaban Madaxweynaha Puntland Abdiwali Gaas Iyo Safaradiisa Tamashleynta u badan ee lagu bur-burinayo Canshuurta Shacabka Masaakiinta Ah ee Puntland.
Puntlandes.com

About The Author