Galkacyo oo la qorsheeynayo in ay ka dhacdo doorashada gudoomiye ku xigeenka degmada iyo iyadoo xaalkeedu yahay allow sahal

Ka dib markuu iska casilay ku xigeenka duqa magaalada Gaalkacyo xilkii uu hayey ayaa waxaa la filayaa in ay ka dhacdo Magaalada Gaalkacyo  ee xarunta gobolka mudug  Doorashada Gudoomiye kuxigeenka. Golaha Deegaanka ee Gaalkacyo ayaa dooranaya Gudoomiye kuxigeenka Cusub, kadib  xili shalay Iscasilaada laga aqbalay gudoomiye kuxigeenkii hore ee Degmada Yacquub.

Maxamed Maxamuud oo horay uga tirsanaa Xildhibanaada golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo ayaa ilaa iyo hada shaaciyaya in uu u taagan yahay qabashada jagadaas.

Degmada Gaalkacyo oo ah degmada labaad ee ugu weyn dowladda Puntland kadib Boosaaso, kana soo xarooda dakhli aad u fara badan ayaan  lahyn hannaan maamul oo fiican iyo xisaabtan dhab ah, waxaana dhawaan lagu dilay Siciid Xuseen Nuur(AUN) oo ahaa xubin muhiima oo ka tirsanaa baarlamaanka Puntland.

Waxaanse JIRINBA siyaasad ay dowladda Puntland ee uu hogaamiyo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku wajahayso magaalada Gaalkacyo iyo Shacabka Gaalkacyo oo aanba dareensanayn waxa ay ku jiraan, taasi oo ka duwan kuwii dowladdihii ka horreeyay,

Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo ayaa waxaa ka taliya KOOX uu hogaamiyo GAADAYARE uuna ninka labaad ka yahay Dhagawaeyne waana KOOXDAN kuwa Isbaarada u dhigtay horumarka uu gaari lahaa Gobolka iyo in uu wax la qaybsado Gobolada la midka ah sida Awdal, W Galbeed, Nugaal IWM. Kooxdan oo udhalatay Gobolka ayaa waxay u dhaqmaan in aanba waxba ka gelin Gobolka ileen ninku Gurigiisa waa hagaagsadaaye. Xataa ma doonayaan in Wasiir ay ka noqdaan dawlada Puntland iyagoo u dhaqma sodii dagaal oogayaashii Isbaarada u taalay koonfurta Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author