Shir looga hadlayo Amaanka iyo Argagaxisada oo maanta ka furmaya Garowe

Waxaa Saaka ka Furmaya Magaalada Garowe Shir la sheegay in looga hadlayo Amaanka iyo Arimaha Argagixisada Shirkaan oo ka Furmaya Xarunta Barlamaanka waxaa kasoo Qaybgalaya Dhamaan Laamaha Amaanka Gobolada iyo Degmooyinka intooda badan lama garanayo shirkaan wax ka baxsan Puntland oo ka Qayb Galaya sida Beesha Caalamka maadama lagu Tilmamay in lagu falanqaynayo Arimaha Amaanka iyo Argagixisada.

 

Xarunta shirku ka dhacayo oo Loo adkayay si aad iyo aad ah ilaa iyo Xalayna ay Ciidamo Gaar ah ku sugnaayeen kuwaaso ay Qaybka yihiin kuwa Miina Baarista ayaa la filayaa inuu Saaka Ka Furmo Xarunta Baarlamaanka, waxaana la filayaa inuu kasoo Qaybgalo Siihayaha Xilka Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Cabdixakin Cabdillaahi Cumar camey.

 

Waxii warar ah oo kasoo kordha Dib ayaad kala  socondoontaan

puntlandes.com

 

About The Author