Sawiro: Guriga Xoghayaha Guud ee xisbiga Waddani oo Albaabkiisa dab la qabadsiiyey

18 June 2022 (Puntlandes) Guriga Xoghayaha Guud ee xisbiga Waddani ayaa dada aan haybtooda la aqoon waxay dab qabadsiiyey Albaabka gurigiisa uu Hargaysa ka degen yahay.

Xoghayaha oo dhacdadaan ka hadley ayaa sheegay inay tani tahay arin ugub ku ah Somaliland horayna sidaas oo kale dad la qabadsiiyey gurigga gudoomiyaha xisbiga WADDANI.

Xoghayaha  ayaa yiri “Sida Sawirrada hoose ka muuqata, waxaa xalay guriga aan Hargeysa ka deggenahay kadinkiisa lagu gubay Taayir gaadhi oo dabkiisii uu dhaawac gaadhsiiyey albaabka. Sida laga warqabana falkan mid la mid ah ayaa hore uga dhacay guriga guddoomiyaha xisbiga, mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Waa arrin ugub ku ah Somaliland oo muujin karta, in uu jiro qorshe siyaasadeed oo lagu khalkhal gelinayo ammaanka madaxda xisbiyada mucaaradka.

Bilayska ayaan ku wargeliyey kiiskan, sidaas awgeed waxa aan fursad siinayaa baadhistooda, waxa aanan ka warsugayaa talaabada ay ka qaadi doonaan.

Waxa se muhiim ah in aan xuso in xukuumadda uu waajib ka saaranyahay sugidda ammaanka muwaadin kasta oo ay ka mid yihiin madaxda xisbiyada mucaaradku, iyada ayaana looga fadhiyaa in ay jawaab ka bixiso sababta ay u dhici karaan foolxumooyin noocan ahi “

About The Author