Sawirro: Agaasimaha Cusub Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug oo xilka la wareegay

18 June 2022 (Puntlandes)  Agaasimaha Cusub Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug Dr Saadaq Maxamuud Aadan oo xilka la wareegay, kaas loo Wasiir ku xigeen Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Puntland isla markaasna ahaa kusimaha wasiirka C/naasir Yuusuf Xaaji usoo magacaabay 23kii Maj 2022, halkaan ka akhriso.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday hoolka shirarka ee Isbitaalka ayaa waxaa goonjoog ahaamaamulka Gobolka Mudug Xasan Cabdulaahi Warsame, Duqa Degmada Gaalkacyo, Aqoonyahano, dhakhaatiir, Nabadoono, qaar kamida shaqalaha isbitaalka iyo marti sharaf kale.

Isbitaalka guud ee Gobolka Mudug ayaa waxaa 10 sano ka badan Agaasime ka ahaa Dr Maxamed Xuseen Aadan oo uu magacaabay wasiirkii Wasaaradda Caafimaadka Dr Cali Cabdulaahi Waresame ee xiligii madaxweyne Faroole.

Waxaa xusid mudan inuusan Agaasimihii hore goobjoog ahayn uusana xilka wareejin sida ka muuqata sawirada.

About The Author