Sawirro-Muuqaal: Wasaaradda Puntland oo Baarlamaanka horgeysay Xisaabxirka Miisaaniyadda Dowladda ee 2021

30 June 2022 (Puntlandes) Kulanka waxaa shir Guddoominaayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan.

Hor-geynta Xisaab-xirka Miisaaniyadda ee golaha waxaa ka qayb-galay Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan (Fiqi)Wasiir Ku-xigeenka dakhliga Mudane Cali Cumar Caarshe, Xisaabiyaha guud ee Dowladda Cumar Saalax Xamari Agaasimaha Miisaaniyadda Cabdi Samad Surato iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Ahna Ku-simaha Wasiirka Mudane Cumar Xasan Cumar Fiqi ayaa Golaha u soo jeediyey khudbad ku aadan soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2021,

Wasiirka ayaa ka hadlay wax qabadkii sanadii 2021 waxaana ka mid ahaa

1. Dhamaystirka habraaca Maaliyadda

2. Tirakoobka Shaqaalaha Dowladda

3. Hirgelinta xarunta xogta Dowladda

4. Hirgelinta dhismaha xarunta dakhliga

5. Hirgelinta sanduuqa kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo qodobo kale

Qorshaha sanadka 2022 sidoo kale ee Wasiirku soo jeediyey waxaa ka mid ahaa

1. Horumarinta nidaamka cashuuraha

2. Hirgelinta nidaamka wax iibsiga

3. Furitaanka Kastamka Dekadda Garacad

4. Hirgelinta cashuuraha Berriga gobolka CAYN iyo qodobo kale

Cumar Xasan Fiqi Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa ka hadalay qodobo mihii u ah Miisaaniyadda 2021 ugu dambayna Golaha ka codsaday in ay ansixiyaan.

About The Author