Dawlada Puntland oo qiratay in lagu wargeliyey in AMISOM la keenayo Puntland

Wasiirka amniga Puntland Xasan Cismaan Maxamuud Alloore ayaa sheegay in lagu wargeliyey Xukuumada uu madaxweynaha ka yahay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas in AMISOM lakeenayo Puntland.

Wasiirka amniga oo maanta la hadlayay shirka dabargoynta Alshabaab ayaa yiri  “Markii uu Garowe ka dhacay weerar ismiidaamin, hay’adaha caalamigu way cabsadeen waxayna naga codsadeen inay keensadaan ciidamo ajnabi oo Amisom katirsan ..,”

Hadalka Alloore ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu dhawaan sheegay Ergayga UN u qaabilsan Somalai Amb Key in ay ku hawlan yihiin daabulaynta ciidamo AMISOM ah oo Puntland la geeyo.

Dad badan ayaa waxay iswaydiinayaan waxa ay uga hadliwaysan tahay Xukuumada uu madaxweynaha ka yahay GAAS iyadoo la aaminsan yahay in uu GAAS taageerayo Go’aanka madaxweynaha DFS Xasan Culusoow gaaray ee ah in Ciidamo AMISOM ah la geeyo Puntland

Puntlandes.com

About The Author