Baarlamaanka Oo Ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2022

30 June 2022 (Puntlandes) Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa meel mariyay Miisaaniyadda sanadka 2022, kaddib saddex maalmood oo dood adag ka socotay, waxaana warbixinta ay soo gudbiyeen Guddiga KMG Maaliyadda ee loo saaray Miisaaniyadda ku jirtay talo soo jeedin ku saabsan in dib u eegis lagu sameyn karo.

Guddoonka Golaha ayaa u saaray Guddi baaritaan ku sameeya xisaab xirkii Miisaaniyadda afartii sano ee la soo dhaafay oo aan la horkeenin Labada Gole ee Baarlamaanka, si loo ogaado cida leh mas’uuliyadda arrintaas sida Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoonkii hore ee Golaha Shacabka, Inkastoo uu ku adkaystay Wasiirka Maaliyadda inuu soo gudbiyay.

Wasiir Beyle ayaa labadii maalin ee ina dhaaftay wajahay su’aalo adag oo ku saabsan hanaanka maaliyadeed ee dalka, kuwaas oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga imaanayey xubnaha labada Aqal ee baarlamaanka.

Arrinta ugu weyn ee lagu heysto wasiirka maaliyadda waa xisaab xir la’aan jirtay tan iyo sanadkii 2018-kii iyo in wasiirku uu kala cadey la’yahay in deeqaha uu caalamku siiyo Soomaaliya ay deyn yihiin iyo in kale

About The Author