XOG MUHIIMA-Sawiro: Gaalkacyo oo wax khatar Caafimaad ku ah dadkeeda ay ka wadaan maamulka magaaladu

Sida aynu la socono waxaa ka da’ay Gobolada Puntland Roobab lixaad leh gaar ahaan magaalada Gaalkacyo bilshii aynu soo dhaafnay iyo bisha aynu ku jirno ee MAY 2015.

Waxaa xirmay goobo badan oo dadka loogu adeegayey sida Iskuulaad, Suuqii waynaa ee magaalada Gaalkacyo lahayd. Waxaa xirmay wadooyinka waawayn oo laf dhabarta u ahaa isku socodka gaadiidka magaalada iskaga kala goosha iyo bulshada. Waxaa kaloo bur buray guryo badan. Waxaa kusoo furmay oo biyuhu ay jabsadeen xaafadaha qaar musqulo gaar ahaan xaafada Garsoor .

MAAMULKA DAWLADA HOOSE ee magaalada Gaalkacyo ayaa keenay qorshe ah inay qodaan jeexdin dhulka ah ama kanaal ka imaanaya meelaha ay biyo fariisinku ku badan yihiin oo ah meelaha ay magaalada Gaalkacyo u godan tahay kaas oo gaynaysa biyaha wasaqda ah meel loo yaqaan Cirjiife oo ku taal duleedka bari ee magaalada Gaalkacyo kuna dhow Abdulahi Yusuf Airport.

Cirjiife waxaa ku yaal balliyo waawayn oo lagu dabaasho xilliyada Guga uu roobku da’o, eeg sawira hoose.

Dhulkaas waxaa  ku habsaday xilligi dawladu ay burburtay dadka magaalada daga oo isugu jira illaa afar Beelood Dawlada hoose markii ay dhamaysay qodidii godkan dheer ama kanaalka ayna soo gaadhay meeshii loogu talagalay in lagu daadiyo Wasakhda oo ah halka ay balliyada Cirjiife ku yaalaan ayaa waxaa cillad noqotay in dadkii ku habsaday dhuulkaas ay qoryo soo qaateen ayna ku andacooodeen in meesha ay iyagu leeyihiin ayna ilaashanayeen muddo ku dhow ilaa 25sano.

Iyagoo waliba intaas ku daray in meesha ugu yaalaan beero waawyn iyo dhul daaqsimeed ballaaran iyo balliyada oo ay booyado ka dhaansadaan.

Intaas kadib Dowlada Hoose ayaa keentay meesha ciidan fara badan dadkii Dhulka sheegtay inay leeyihiin midka mida ayay dowlada hoose jir dileen kuna xiteen gaari shabaqle ah. Gabagabadii waxaa meesha soo gaaray maamulka magaalada Gaalkacyo oo uu hogaaminayo Quqa Degmada iyo Gudomiyaha Gobolka kuwaas oo ku qanciyay in dadkaas la siinayo dhul kale oo wayn meeshaana laga dhigayo meel Biyaha Wasakhda oo magaalada fadhya ay ku shubaaan waxaana lagu heshiiyay arintaas.

Dowlada hoose ayaa Baabuur makarafoono ku rakiban yihiin la dhexqaaday dadka degen xaafada Hormar oo ah xaafada ay jeexdintu/Kanaalku ay dhexmarayso iyagoo dhahayay hadalo ay kamid yihiin ”dadku ha iska ilaashaan biyaha wasaqda ah oo lasoo furayo mar dhow maalmaha fooda nagu soo haya” iyagoo sheegay in ay soo dayn doonaan biyaha ku xayiran wadooyinka iyo xaafadaha waawayn ee magaalada Gaalkacyo ayna gayndoonaan Balliyada Cirjiife.

Saamaynta Caafimaad ee Xaafada la dhex marinayo Kanaalka

Waxaad ka arkidoontaan Sawirada ay idiin soo diyaarisay Warbaahinta Puntlandes waxay Biyaha Wasakhda ah ee yaalay magaalada dhexdeeda mudada ka badan labada todobaad Musquluhuna ku soo furmeen uu maamulka magaalada Gaalkacyo doonayaa in uu xaafada Horumar dhex mariyo iyagoo mariyey kanaalka guryaha Albaabadooda oo aysan dadka waawayn iyo caruurtu haysan meel ay maraan.

Wuxuuna halis Caafimaad ku yahay shacabka magaalada Gaalkacyo gaar ahaan kuwa ku nool xafada HORUMAR oo hadaan la joojin ay soo food saarayso MASIIBO DEGAAN oo saamayn ku yeelata caafimaadkooda sida ay u cadeeyeen Takhaatiir ay wax ka waydiisay Warbaahinta Puntlandes.

Nabaadguurinta iyo Wasakhaynta Balliyada CIRJIIFE

Meesha la doonayo in laga dhigo Bulaacad lagu qubo Biyahan Wasakhda ah waxaa weeye degaan leh Balliyo ay dadku ku dabaashaan xiliyada Roobka. Wuxuu kaloo degaanku leeyahay Beero waayan oo lagu waraabiyo Biyaha Balliyada. Waxaa intaasba sii dheer iyadoo Booyado farabadan looga qaato Balliyada Biyo si loogu munaafacsado.

Waxaas oo dhimco oo Allah uu deegaanka CIRJIIFE ku manaystay waxay doonaysaa Dawlada hoose ee magaalada Gaalkacyo in ay ka dhigto meel wasakhda lagu qubo oo nabaad guurta. Waxaaba intaas sii dheer Caafimaad xumada ay ku keenayso dadka degaankaas ka agdhow.

Ugu dambaynta hadalada ugu badan ee dadku isla dhex marayaan ayaa waxay yihiin Khatarta Caafimaad ee ka dhalan karta biyahaan Wasakhda ah ee xaafada Hormar la dhexmarsiinayo iyadoo lagu soo furayo banaankeeda meeshaas oo ay dagan yihiin dad masaakiin ah oo qaxooti ah oo kasoo barakacay gobolada Koonfureed  ee Soomaaliya halkaas waxaa kadhalan kara cuduro fara badan sida daacuun iyo kuwo kale dowlda hoose arintaas kuma fikirin ee waxaa u muuqda siday Wasakhda magaalada uga saari lahayd.

Waxaa kaloo dad badan oo ka mid ah shacabka reer Gaalkacyood oo la soo Xiriiray Warbaahinta Puntlandes ay wax iska waydiinayaan waxa ay ugu daawanayso Degaanguurinta lagu hayo Magaalada Gaalkacyo. Dawlada uu hogaamiyo madaxweyne Gaas way gabtay masuuliyadii loo dhiibtay waxayna noqdeen kuwa dalkii, dadkii iyo DEGAANKIIBA cunay.

Bal eega siday DEGAAN aad iyo aad u qurux badan u baabi’inayaan, Ba eega baahida u qabaan in ku dabaashaan Balliyada Allah ku manaystay iyo Xaqa ay u leeyihiin in ay u isticmaalaan Balliyadaas sidii Awoowayaashoodii hore u isticmaali jireen. Waxaa waajib ka saaran yahay reer Gaalkacyood in DEGAANKOODA ilaashadaan hadaysan jirin dawlad u ilaalisa.

Baaq Beesha Caalam ku socda

Shacabka reer Gaalkacyo oo la soo xiriiray Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay BAAQ u dirayaan Beesha Caalamka in ay ka soo gaarto kuna cadaadiso maamulka Puntland inay joojiyaan barakicinta iyo DEGAAN guurinta ay ku hayaan shacabka reer Gaalkacyood.

Daawo sawirada ay Warbaahinta Puntlandes ka diyaarisay dhibaatadan.
17

18

19

20

21

22

23

24

25

26

27

28

29

30
Puntlandes.com

About The Author