Xildhibaanadii Mooshinka waday oo Labo loo kala jabiyey

Waxay ahayd May 12, 2015 markii ay 21 Xildhibanadda oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ay soo gudbiyeen Mooshin ay ku dalbanayaan kalfadhi deg deg, warar soo gaaraya Warbaahinta Puntlandes waxay sheegayaan in laba garab loo kala jabiyey, kadib markii ay Xukuumada Gaas ka shaqaysay in 6 ka mid ah ay ka laabtaan MOOSHINKA.

Xildhibaanada Baarlimaanka ee soo haray oo noqday 15 ayaa buuxin waayey tiradii soo gudbin kartay Mooshin oo ah 17 Xildhibaan.

Wuxuu ahaa Mooshinkani guul siyaasadeed oo casharna u ah madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas in uu wax ka bedelo sida aan wacnayn ee uu ku hogaaminayey Puntland mudadii uu xilka hayey oo ah 16 bilood.

Waa markii ugu horeysay oo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ay soo gudbiyaan mooshin ka dhan ah Xukumadda Puntland, taasoo sabab u ah fashilaada dul harsatay hogaanka GAAS.

Wixii war ah ee ku soo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author