Nicholas Key: Waan socon weynee aan orodno!

Sidaan la wada soconno, xoghayaha qaramada midoobay u qaalbisan arimaha soomaalia mr Nicholas Kay oo todobaad ka hor wareysi siiyay wakaaladda wararka Reuters, ayaa soo hadal qaaday suurtagalnimada in mustaqbalka ciiadamo ka socda Amisom la geyni karo Puntland, sidoo kale Dowlada Puntland ayaa fikirka mr key ku gacan seyrtay, waxayna ku tilmaantay waxaan dhici doonin.

Ciidamada Amisom ayaa koonfurta soomaalia la keenaay sanadkii 2007,waxaana loogu tala galay inay nabad ku soo dabaalaan, kana sifeeyaan dhammaan maleeshiyaadka hubeysan oo ay kow ka tahay kooxda mayalka adag ee Alshabaab, hase ahaatee 8 sano ka dib Amisom ma awoodin sugidda amniga caasimadda Muqdisho, iskaba daa deegaano kale.

Maleeshiyada Alshabaab waxay weli weeraaraan xarumaha Dowlada, weliba kuwooda ugu muhiimsan sida Mataxtooyada iyo xarunta baarlamaanka, wasaaradaha, sidoo kale xarumaha qaramada midoobay iyo gooba rayid ah, sida Hotelada, maqaayadaha iwm. Guud ahaan koonfurta Soomaaliya ma jirto degmo-degmo u gudbi karta, waxaana jira gobollo dhan oo wli ku jira gacanta Alshabaab, sida gobolka Jubada dhexe.

Soomaalida waxay tiraahaa “siin iyo saad waa la kala soocaa”, inkasta oo mr Key uusan dhihin Amisom baa la geynayaa Puntland, oo uu yiri waa arin suurta gal ah mustaqbalka, hadana waxay bulshad soomaaliyeed isweydiinayaan, sababta keentay in mr Key ku fikiro arinka noocan ah iyo ujeedada uu ka lahaa?

Soomaalida iyo caalamkaba waxay la socdaan in Amisom ku fashilantay howshii loo igmaday oo ah sugidda amniga koonfurta Soomaaliya, waxaa sidoo kale cid walba u muuqata nabadda 17 sano jirsatay ee ka hanaqaaday geyiga Puntland, dhacdooyinka mararka qaar ka dhaca Puntland waxay aad uga hooseeyaan kuwa ka dhaca dalalka ku deeqay ciidamada Amisom.

Gunta iyo gabagabada, fikirka mr Key waxaa lagu xambaari karaa laba arin midkood, marka hore waxuu u muuqdaa midaan daacad ahayn oo siyaasadeysan, ujeedadiisuna tahay in lagu wax yeeleeyo amniga iyo sumcadda Puntlanad, fikirkaas ha noqdo mid ay dabada ka riixayaan dhinacyo kale oo naga qarsoon, sida DFS, amaba mid asaga ka soo maaxay. Waxuu yahayba waa fikir silloon, oo ka soo horjeeda danaha Puntland iyo guud ahaa qaranka Soomaaliya, maadaama wax loogu dhimayo xasiloonida dalka. Waana macquul in la rabo in Puntland lagu abuuro Alshabaab)

Hadii dhinac kale laga eego waxuu la micno yahay “waan socon weynee aan arodno”, ama sida doqontii qoryaha qaadi weysay ee qoryaha kale ku darsatay, oo markaas fikirka mr Key ma noqonayo mid qiimo weyn ku fadhiya.


Fikirka mr Key waxuu macquul noqon lahaa, haduu dhihi lahaa “Hadaan Amisom nahay waan ku fashlanay howshii naloo igmaday, waa suurta gal in Puntland naga caawiso sugidda amaanka caasimadda Muqdisho”

Bishar Haji
b.haji114@hotmail.com

About The Author