Bankiga Adduunka oo $100 Milyan oo lagu kabo Miisaaniyadda u ansixiyay Soomaaliya

30 July 2022 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Bank-ga Adduunka uu ansixiyay ku dhawaad $100 milyan oo dollar oo ah lacag loogu talagalay kabka miisaaniyadda Dowladda.

Bayle oo qoraal ku daabacay bartiisa Facbook ayaa sheegay in arrintan ay timid kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay buuxisay dhammaan shuruudihii heshiiska lagu ahaa oo ay ku jiraan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo maamul wanaagga.

“Waxa aan u mahadcelinaynaa Baanka Adduunka oo ansixiyey ku dhawaad $100 milyan oo dollar oo ah kabka miisaaniyadda Dowladda, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay buuxisay dhammaan shuruudihii heshiiska lagu ahaa oo ay ku jiraan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo maamul wanaagga” ayuu yiri wasiir Bayle.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhinaca kale sheegay in lacagahan uu Bank-ga Adduunka u ansixiyay Soomaaliya gacan ka geysan doonaan maalgelinta mustaqbalka ee dalka.

“Aad baan ugu faraxsanahay in aan maanta saxiixo heshiiskan cusub, run ahaantiina waxa u gacan ka geysan doonaa maalgelinta mustaqbalka dalkeenna” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

About The Author