Xukuumada Gaas oo la hor dhigay Heshiiska Shirkado Jariifa lala galay.

0

Shirkii u danbeeyay ee Golaha Wasiirada Puntland waxa la keeney labo Heshiis oo lala galayo labo shirkadood oo Kaluumaysiya, oo saldhigyo ku leh  dalalka Yemen iyo Jabuuti, kuwaas oo mid ka mid ah Shirkadaha laga leeyahay dalka Suadi Arabia.

368

Heshiiska Shirkadaha oo dhigaya inay kaluumaysi ama Jariif ka sameeyaan biyaha badda Puntland waxa kasoo shaqeeyey  xubno ka tirsan Xukuumada Puntland iyo Qaar ka mid ah qaraabada Madaxweyne Gaas, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin  C/wali Cali Taar oo qaraabo dhow la ah Madaxweyne Gaas, Wasiirka Maaliyada Shire Xaaji Faarax iyo Wasiirka Kaluumaysiga Cabdinuur Cismaan Qaaje.

Shirkada Suadi Arabia.

Shirkada laga leeyahay dalka Suadi ayaa horey dalka Jabuuti uga samaysatay goobo Kaluunka iyo Aargosatada lagu keydiyo “Cooling Stores ” balse waxa caqabad ay kala soo gudboonaatay inay badda Jabuuti ka hesho Kaluun iyo Aargoosato ay u iibgeyso suuqyada caalamka.

Waxaana horaantii sanadkan 2014 Shirkada Suadi Arabia qorsheysay inay ka guurto Jabuuti balse nasiib wanaag C/wali Cali Taar ayay dowlada Jabuuti heshiis kula gashay inuu wakiil uga noqdo biyaha badda Puntland si loo hakiyo Shirkada Kaluumaysiga Suadi Arabia.

367

C/wali Cali Taar oo ah shaqsi ay qaraabo dhow yihiin Madaxweyne Gaas islamarkaana horey u ahaan jirey Agaasimihii shirkadii la oran Jirey Harti Group oo ilalin jirtay maraakiibta jariifa xeebaha Puntland ayaa dadaal u galay sidii uu saxiixi Madaxweyne Gaas uga heli lahaa in  kaluumaysi ka samayso Shirkada Suadi Arabia biyaha badda Puntland.

Halka uu ka shaqeeyey inuu u ka xeeyo  Jabuuti Wasiirka Kaluumaysiga Puntland C/nuur Cismaan (Biindhe) horaantii bishii April 2014 islamarkaana uu Jabuuti ku qaabilay madaxda Shirkada Suadi Arabia ee kaluumaysiga ka bilaabaysa badda Puntland.

Faahfaahin badan lagama hayo faa,iidada arrinta ka danbaysa, xilli uu wasiirku qalinka ku duugay Wasiirka Kaluumaysigu heshiiska Shirkada Suadi Arabia iyo Dowlada Jabuuti kula galeen Puntland inay qeyb ka noqoto maraakiibtii horrey jariifka uga waday biyaha Somalia gaar ahaan Puntland.

Yemen iyo Safarkii Biindhe.

369

Wasiirka Kaluumaysiga Puntland ayaa socdaal uu ku tagay dhawaan dalka Yemen wuxuu sidoo kale qeyb ka ahaa soo galista heshiisyo kaluumaysi oo Shirkado dilaal ay ka yihiin xubno ka tirsan Xukuumada iyo Ganacsato doonayeen inuu dhex maro Puntland.

Wuxuuna Wasiir Biindhe ugu soo saxiixay heshiisyo shirkado dhowra walow aanu xog badan ka helin magacyadooda balse warar soo baxaya sheegayaan inuu qeyb ka ahaa socdaalka uu Yemen ku tagay Biindhe inuu dabo socday heshiis horey u dhex maray Madaxweyne Gaas iyo Ganacsade u dhashay Kuuriyada Waqooyi .

Ganacsade Kim Lee Song oo leh Shirkad Kaluumaysi saldhigeedu yahay Yemen ayuu Madaxweyne Gaas ugu ogolaaday socdaalkii uu ku tagay Yemen heshiis uu la sameeyo Puntland ka dib markii qorshihiisa ay kasoo shaqeeyeen xubno uu ka mid ahaa Wasiirka Maaliyada iyo Walaalkiis Captan Ciise Xaaji Faarax oo dilaal u ahaa shirkada Kim Lee Song.

Mudane Biindhe ayaa ka dib markii uu kasoo laabtay Yemen shirkii gollaha Xukuumada Puntland faahfaahin kaga bixiyey Heshiisyada iyo Socdaalka uu ku gaarey Yemen oo uu daaha ka rogay inuu horseedayo xiriir ganacsi oo dhanka khayraadka oo Puntland la yeelato Yemen iyo Ganacsato shirkado heer caalamiya.

 

Puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *