Awooda wasiirka dastuurka ee dowlada Damjadiid iyo Saamayntiisa xukuumada Xafladjoog ee Puntland

0

Qoraal uu qoray Ismail Adam Dirie uuna soo dhigay barta uu ku leeyahay facebook ayuu wuxuu ku bilaabayaa in uusan jeclayn xaqiraada, uuna jecel yahay in uu ku sheego qof walba siduu yahay iyo kartidiisa.

364

Isagoo Ismail qoraalkiiisii sii wata ayuu ku yiri ”dadbaa xaqiraya wasiirka dastuurka ee dawlada damujadiid Faarax cabduqaadir iyagoo dhaha waa ninka ugu awood badan Muqdisho, laakiin waxay ilaawayaan inuu yahay ninka ugu awood badan Somalia oo dhan hadii laga reebo Somaliland, tusaale waxa uu iska dhistay gudi sharci dara ah oo dib-u-eegis dastuur waxana uu amar siiyey madaxa xukuumada Xafladjoog inuu bilaa suaal ku soo darsado xubin gudigaas sharcidarro, bilaa suaal arintaasi waxay u fushay siduu ugu talagalay”

363

Mudane Ismail Adam Dirie oo ka mid ah aqoonyahanada Puntland ayaa isagoo qoraalkiisa sii wata ku yiri  ”Faarax Cabduqaadir oo ah nin caqli badan ayaa isagoo og in reer Puntland leeyihiin waqti ha la siiyo xukuumada Xafladjoog ayuu maalin dhawayd ayuu gudigiisa ku amray in ay dedejiyaan wax ka bedelka dastuurka. Wuxuuna Faarax  sii siiyey waxa ay bedeli lahaayeen gudigu dastuurka. Haddiiaan hadaba la xaqirayn wiilku waa baarqab” ayuu ku daray Ismail qoraalkiisi.

50

WQ Ismail Adam Dirie.

Xigasho:- https://www.facebook.com/ismail.dirie.3

Editorail Office

Puntlandfes.com

info@puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *