Daawo Video: Jubaland “Jubaland RW mooshin laga geyo waa ka wayn tahay”

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Mudane Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere ayaa si kulul uga hadlay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka DFS, kuwaas oo la sheegay inay Baarlamanka DFS horgeeyen wax loogu yeeray Mooshin ka dhan ah Xildhibaanada Baarlamanka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa yiri ‘’Waxaa nasiib daro ah oo wax laga xumaado ah in niman isku sheegaya inay yihiin Baarlamanka Federaalka ayaa ku andacoonaya maxay shacabka Jubbaland u tashadeen,maxay Aayahooda uga tashadeen,maxay dib u heshiisiin u galeen,maxay Baarlaman u samaysteen’’

 

Daawo Videowga

Puntlandes.com

About The Author