Xildhibaanadii MOOSHINKA ka keenay xukuumada Gaas oo tiradoodu korortay

Xildhibaanno hor leh ayaa kusoo biirey kuwii dhowaan MOOSHINKA usoo gudbiyey Guddoonka Baarlammaanka Puntland iyagoo ku dalbanayey kal-fadhiga deg dega ah, labo maalmood kaddib markii guddiga joogtada ah ee baarlammaanku dalabkaas ku gacan sayrey.

Warbaahinta Puntlandes ayaa xog hoose ku heshay in xildhibaannadii mooshinka keenay ay ku soo biireen 11 xildhibaan oo hor lihi, iyadoo isugayntoodu xilligan ay noqotay 26 xildhibaan.Xildhibaannada qoraalka soo gudbiyey oo markii hore tiradoodu ahayd 21 xildhibaan waxay asbuucii lasoo dhaafay noqdeen 15  xildhibaan  kaddib markii lix kamid ahi ka noqdeen.

Mudaneyaasha dalbanaya kal-fadhiga deg deg ah oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Cabdicasiis Gacamey, waxay ku adkeysanayaan inaysan ka tanaasuli doonin go’aanka ay qaateen iyagoo sidoo kale sheegay inay jirto faro-gelin dhanka xukuumadda uga imaanysa. Marka  la eego xeer hoosaadka Baarlammaanka Puntland, waxaa kal-fadhi deg deg ah dalban kara 17 xildhibaan.

Wixii war ah ee ku soo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

Akhris magacya Xildhibaanada ku soo biiray

3

Puntlandes.com

About The Author