Madaxweyne Lafta-Gareen oo u safaray Itoobiya

05 Aug 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha KG Cabdicasiis Xasan Laftagareen oo diyaarad Milateri ka qaaday Baydhabo, ayaa gaaray gudaha Itoobiya, isagoo isla goor dhaw Addis Ababa soo gaaraya, lana kulmaya Madaxda dalkaas.

Isbedeladan deg deg ah ayaa la aaminsan yahay in ay keentay Magacaabidii Mukhtaar Roobow ee ay Dawladda Soomaaliya ka dhigtay wasiir katirsan Xukuumadda, xili uu Addis Ababa uga jiro liiska dadka la baadi-goobayo, maalmo kahorna weerar looga qaaday S/Galbeed xaduuda gobalka Bakool.

Dalalka deriska la ah Soomaaliya ayaa saameyn siyaasadeed ku leh arrimaha gudaha ee Soomaalida, Kenya ayaa difaacday Axmed Madoobe 2018-kii, iyadoo xiligas ay garab gudaha ah siinayeen xubno uu horboodayay Madaxweynaha hadda ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

About The Author