Sawirro: Madaxweyne Xasan Shiikh oo Garowe ka dhoofay

29 Aug 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir kusii sagootiyey Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdigiisa oo maalmahan booqasho ku joogay Puntland.

Sagootinta Madaxweynaha JFS, waxaa sidoo kale ka qeybgalay Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe.

About The Author