Sargaal Ciidanka Puntland ka tirsan oo Bosaso lagu dilay

Bosaso (Pes) Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland ayaa caawa lagu diley Xarunta Ganacsiga Puntland ee Bosaso. Sida warku ku soo gaarayo Warbaahinta Puntlandes labo nin oo bistoolado ku hubeysnaa yaa toogtay sarkaalkaas xilli uu ku sugnaa agagaarka Dabaqa Sahalka oo masaafo aan badneyn u jira dekedda Bosaso.

Dableyda dilka geysatey ayaa ka fakaday meeshii ay dilka ku gaysteen ilaa iyo haddana haybtooda lama yaqaan.

Wixii war ah ee ku soo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author