Daawo sawiro: Gud hore G Mudug iyo Wafdi uu hogaminaya oo booqday Degmada Taariikhi ah ee EYL

Waxaa booqosho ku tagey magaalada Taariikhiga ah ee Eyl Wafdi balaaran oo ka kooban Dhilinyaro Qurbaha ka yimid iyo kuwo dalka joogay waxaana hogaaminayey wafdigaas Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Maxamed Yusuf Tigeey.

Hadaba Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay idiin soo gudbinaysaa sawiro muujinaya sida ay Eyl u tahay meel taariikhiya ah iyadoo Xarun wayn uu ku lahaa Sayid Maxamed Cabdalle Xasan oo hogaaminayey Daraawiish, waxaana magaalada ku yaal daartii caanka ahayd ee Sayid Maxamed.

Magaaladan oo ku taala Degaan aad u Qurxoon lehna Dur-dur, Beero iyo Xeeb aad u qurux badan ayaa qayb lixaad leh ka soo qaadatay halgankii Gobonimodoonka Soomaaliya.

Safarkan ayey Gudumoomiyihii hore Gobolka Mudug Tigeey iyo Dhalinyaradu ugu kuur galayeen Xaalada Magaalada ay ku sugan tahay iminka iyo sidii loo Maalgashan lahaa magaaladan aadka u Qurxoon lehna dhul Qurxoon oo dihin.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Mohamed Abiqadir Ali Igaal iyo wariyaha Puntlandpost Cali Cabdi Ducale. Hoos ka daawo Quruxda Degmada Taariikhiga ah ee Eyl.

Xigasho Sawirada Cigaal Caymo iyo wariyaha Puntlandpost Cali Cabdi Ducale
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

24

25

26

27

28
Puntlandes.com

About The Author