Sawirro: Madaxweyne D oo dhaggax dhigay dhismaha Wadada isku xirta Dangoroyo & Eyl

03 Sept  2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka dhaggax dhigay dhismaha Wadada isku xirta degmada Dangoroyo iyo Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.

Wadadan oo dhererkeedu yahay 105KM ayaa waxaa dhisaysa Dowladda Puntland waana qorshaha Dowladda ee Cashuurta dalka dib loogu celinayo laguna dhisayo, Iyadoo Bulshada deegaankuna ka qeyb qaadanayaan.

Munaasabadda dhaggax dhiga Wadada Dangoroyo-Eyl, waxaa kala qeybgalay Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta Degmada Dangoroyo, Waxgaradka, Nabadoonada, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Dangoroyo, dhammaantood dadka deegaanka ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha dhismaha Wadadan.

About The Author