IGAD oo xil sare u magacawday Jamaal Maxamed Xasan

02 Sept  2022 (Puntlandes) Wasiirkii hore ee Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa xil sare looga magacaabay urur goboleedka IGAD, iyadoo magacaabay Madaxa Xarunta la Qabsiga Cimiladda iyo Ilaalilnta Deegaanka ee IGAD.

Magacaabiddaan ayaa ka timid dhanka Urur Goboleedka IGAD, iyadoo dowladdu aanay wax diidmo ah kala hor imaan magacaabistaan, kaddib markii ay ka soo dhamaatay dhinaca Ururka IGAD.

Wasiir Jamaal ayaa xilkaan raadsaday, kadibna w axaa usoo magacaabay ururka IGAD, oo uu hadda Xoghayaha fulinta ka yahay Workneh Gebeyehu, oo kasoo jeeda dalka Itoobiya, ahna shaqsi aad ugu dhow ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. 

Markii xilka loo ogolaaday Jamaal, ayaa sida aan xogta ku helnay lala wadaagay madaxweyne Xasan Sheekh, kamana muujin wax diidmo ah, sidaas ayeyna ku dhaqan gashay magacaabistiisa.

About The Author