Alshabaab oo dad ku dhow 20 ku dilay gobolka Hiiraan

03 Sept  2022 (Puntlandes) Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ay kooxda Alshabaab dad ku dileen, gaadiidna ku gubeen deegaanka Afar Irdood oo ku taalla duleedka magaalada Beledweyne.

Sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen, dagaalamayaal Alshabaab ah ayaa dhexda u galay gawaari raashin siday oo ka baxay magaalada Beledweyn, iyagoo kusii jeeday deegaano kamida isla gobolka oo ay Maxaas kamid tahay.

Inta la xaqiijiyay waxaa la dilay 17 qof oo Shacab ah oo isugu jira rag iyo dumar, iyadoo dab la qabad siiyay 7 gaari oo ay dadkaasi wateen, iyadoo wali meydadka dadkaasi ay yaalaan aagga lagu toogtay, waxaana adag in gurmad loo sameeyo.

Waxaa jira warar sheegaya in laba gaari oo ay dad badani saarnaayeen oo gurmad ahaan uga baxay magaalada Beledweyn, kuwaasoo ay Miino la kacday, lama soo sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, maadaama goobahaasi ay isgaarsiinta ka go’antahay.

Lama oga sababta ay kooxda Shabaab u beegsatay dadkan shacabka ah, iyadoo maamulka Hirshabelle wali aaney wax war ah ka soo saarin xasuuqan ka dhacay duleedka magaalada Beledweyn, iyadoo maalmahan ay hakad galeen howlgaaldii ka dhanka ahaa Alshabaab.

About The Author