Madaxweyn Deni oo u socdaalay Degmada Eyl, maxay tahay ujeedadu?

03 Sept  2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka safar dhanka dhulka ah ugu socdaalay Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.

Safarka madaxweynaha ee degmada Eyl ayaa salka ku haya doorashadii ka dhacday degmadaas bishii oktoober ee sanadkii hore 2021ka oo aan wali la fariisin golihii deegaanka ee ay shacabku sida tooska ah u doorteen.

Golaha ayaa loo fariisin waayey khilaaf hareeyey labo jifo oo ka tirsan beesha degta degmada.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inuu madaxweynuhu arinta farogeliyey uuna dhameeyey arintii khilaafku ka dhashay. Waxaa lagu wadaa in golaha la fariisiyo inta uu madaxweynuhu ku sugan yahay Degmada Eyl

About The Author