Wasiirada Maaliyadda ee DFS & dawlad goboleedyada dalka oo shir uga fiurmayo Muqdisho

03 Sept  2022 (Puntlandes) Waxaa maalinta berri ah oo Axadda ah lagu wadaa inay gaaraan magaalada Muqdisho wasiirada Maaliyadda ee dawlad goboleedyada dalka.

Wasiirka Maaliyadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dawlad goboleedyada dalka aya waxaa shir maalinta Isniinta uga furmayaa Hotelka Decale ee Garoonka Aadan Cadde.

Wasiirada Maaliyadda ee dawlad goboleedyada dalka ayaa 30kii bishii hore ee Agoosto waxay soo saareen goaan ay xiriirka ugu jareen Wasaaradda Maaliyadda dawladda Federaalka, halkaan ka akhriso.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in lagu xaliyo khilaafkaas oo ka dhashay habka ay u martay dawladda Federaalku qaybiska lacag dhan 100 doollar oo Bankiga Aduunku ugu deeqay Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author