Sawirro: Ciidamada PMPF & PISF oo hawlgal wadajir ah ka fuliyey buuralayda Calmadaw

04 Sept  2022 (Puntlandes) Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland, PMPF, iyo PISF ayaa hawlgal wadajir ah oo qorshaysan ka fuliyey buuralayda Calmadaw, si gaar ah deegaanada ku teedsan ee kala ah Ceel-dibir, Majiyahan, Ceel-kharaar, Dhadhaabo iyo Macag.

Hawlgalka ayaa lagu soo qabtay xubno ka tirsan Argagixisada Alshabaab, kuwaas oo cadawga u fududeeya Sahayda (raashinka), waxaana gacanta ciidanku ku dhigeen gaadiidkii ay adeegsan jireen.

Hawgalladaan ka dhanka ah Alshabaab waa mid ay markasta ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland u fuliyaan, si joogta ah, qorshaysan oo aan wakhti lahayn.

About The Author