Sawirro: Shir maanta uga furmay Muqdisho wasiirada Maaliyadda ee DFS & dawlad goboleedyada

05 Sept  2022 (Puntlandes) Shir ayaa maanta uga furmay Muqdisho wasiirada Maaliyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Maaliyadda Dowladaha xubnaha ka ah DFS, kaas oo looga arinsanayo khilaafkii sababay in Dowladaha xubnaha ka ah DFS ay xiriirka u jaraan Wasaaradda Maaliyadda DFS.

Furitaankan Kulanka ayaa waxaa wasiirka maaliyadda Puntland kala qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdi Cilmi iyo Agaasime Ku-Xigeenka Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir iyo saraakiil kale oo Wasaaradda katirsan.

About The Author