Sawirro: Wasiirka Maaliyadda DFS oo booqday xarunta wasaaradda Gaashaandhiga

08 Sept  2022 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda DFS Dr Cilmi Maxamed Nuur ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta wasaaradda Gaashaandhiga XFS halkaasi oo uu kusoo dhaweeysy wasiirka Gaashaandhiga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur, wasiiru-dowlaha iyo wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga XFS.

Wasiirka Maaliyadda ayaa Kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka kooban tahay wasaaradda Gaashaandhiga XFS iyo xafiisyada shaqada , waxaana kulan gaar ah ay yeesheen wasiirada booqashada kadib ay ka wada hadleen doorka wasaaradda Maaliyadda ay ka qaadan karto qorshaha horu-tabinta u leh wasaaradda.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa uga mahadceliyay wasiirka Maaliyadda DR Cilmi Maxamed Nuur booqashada uu ugu yimid.

About The Author