Sawirro: Xasan Sheekh & William Ruto oo ganacsiga Qaadka ka wada hadlay

14 Sept  2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha cusub ee Kenya William Samoei Ruto.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay ganacsiga Qaadka, iskaashiga labada dal, iyo xaalada amni ee Soomaaliya iyo gobalka Geeska Africa.

War kooban oo lagu daabacay barta Facebook, Madaxweyne William Ruto ayaa lagu sheegay inay isla gaareen labada Madaxweyne dardargelinta Guddiga wadajirka ah ee iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya, si kor loogu qaado ganacsiga qaadka iyo Kalluunka.

“Waxaan si deg deg ah u daba gali doonaa hirgelinta Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya. Tani waxay kor u qaadi doontaa ganacsiga Miraa iyo kalluunka waxayna fududayn doontaa isu socodka labadayada qaran.”

Sidoo kale, Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in labada Madaxweyne ay isla garteen sii amba-qaadka heshiisyadii horey loo gaaray.

“Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay qodobbo xoojinaya iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal, iyagoo isla gartay in la sii amba-qaado heshiisyada miro dhalka ah ee horey loo gaaray, gaar ahaan fududeynta socdaalka, dhiirri-gelinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, dagaalka ka dhanka argagixisada, isbeddelka cimilada iyo saboolnimada, kuwaas oo ka mid ah caqabadaha wadajirka u curyaamiyey kobaca iyo horumarka dalalka Gobolka.”

About The Author