Sawirro: Puntland oo ka qeybgalaysa Shir u socda wadamo…

14 Sept  2022 (Puntlandes) Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa ku sugan caasimadda dalka Rwanda ee Kigali, halkaas oo uu shir uga qayb galayo.

Wasiir Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha duulista iyo garoomada Africa, kaas magaalada Kigali ka soconaya maalintii labaad.

Shirweynaha oo uu furay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagama, ayaa waxaa isugu yimid in ka badan 80 Waddan oo African ah. Puntland ayaana ku matalaysa Soomaaliya, kaddib casuumaad ay ka heshay marti-galiyayaasha shirka.

Wasiirka Duulista Hawada Puntland oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in shirweynaha ay kusoo bandhigayaan hormarka garoomada diyaaradaha Puntland, iyo duulimaadyada caalamiga ah ee ka jira.

“Waxaan maalintii labaad nooga socda Caasimada Dalka Rwanda ee Kigali shirweynaha Afrika ee Duulista iyo Hawada oo ka Dowlad Puntland ahaan casumad ka helnay martigaliyayaasha shirka.”

“Shirkan oo uu daahfurey Madaxweynaha Dalka Rwanda Paul Kagame ayaa inta uu socdo ka Puntland ahaan waxaa kusoo bandhigayna Horumarinta Garoomada iyo duulimaadyada caalamiga ah ee Puntland ka jira, Madama shirku kasoo qayb galeen in ka badan 1,100 qof oo ka kala socda 84 waddan oo isugu jira wasiirro , wakiillo, madaxda shirkadaha diyaaradaha iyo khubaro kale.”

About The Author